U turjun:

Sida loo isticmaalo kondhomka

Gasho cinjirka ka hor gelinta. U samee qaabka soo socda:

  • Hubi in taariikhda dhicida aanay weli dhaafin. Keliya isticmaal kondhomada summada tayada CE wata ee ku duubantahay.
  • Ka jeex kiishka ka fur daloolka. Ha isticmaalin maqas, mindi ama ilkaha oo ka feejignow cidiyaha dhaadheer. Waxaad waxyeeli kartaa kondhomka
  • Yuub dib u jiid haddii aan guska la gudnin. Marooji caarada kondhomka si aad meel ugu banayso shahwada oo geli kondhomka guudka guska. Guska waa inuu kacsan yahay (taagan yahay).
  • Hubi in qarqarka la duubay ee komdhomku uu dibada yahay. Hoos ugu laab guudka guska oo dhan markaas ma siibanayso muddada galmada.
  • Ka dib biyo baxa, ka saar kondhomka guska. Samee taas weli marka gusku adag yahay oo qaba kondhomka girgirka.
  • Hubi inaan wax shahwad ah ka daadan kondhomka.
  • Ku xidh kondhomka guntin. Taasi waxay ka hortagtaa inay daadato. Ku tuur kondhomka la isticmaalay daasada qashinka.

Hubi in taariikhda dhicida aanay weli dhaafin. Keliya isticmaal kondhomada summada tayada CE wata ee ku duubantahay.

Ka jeex kiishka ka fur daloolka.

Marooji caarada kondhomka si aad meel ugu banayso shahwada oo geli kondhomka guudka guska.

Hubi in qarqarka la duubay ee komdhomku uu dibada yahay. Hoos ugu laab guudka guska oo dhan markaas ma siibanayso muddada galmada.

Kondhomku waxa uu u diyaar yahay isticmaal.

Ka dib biyo baxa, ka saar kondhomka guska. Samee taas weli marka gusku adag yahay oo qaba kondhomka girgirka.

Hubi inaan wax shahwad ah ka daadan kondhomka.

Ku xidh kondhomka guntin. Taasi waxay ka hortagtaa inay daadato. Ku tuur kondhomka la isticmaalay daasada qashinka.

Isticmaalka kondhomka hal mar.

Kondhomada waxaa la heli karaa iyagoo cabbiro kala duwan ah, iyaddoo ku xidhan adayga guska. Kondhomku waa inaanu aad u giijisnaan ama aad u debecsanaan

Ha isticmaalin 2 kondhom isku wakhti. Kondhomku wuu jeeximi karaa.

U isticmaal saliida-ku saleysan-biyaha cinjirka. Hubi inaad istimcaasho saliidn badan marka aad daba ugu galmooneyso.

Iibsiga kondhomyada

Waxaad sidoo kale iibsan karta cinjirka farmashiye, daawo yaqaan ama suuqweyne. Mararka qaar waxaad ka heli kartaa baararka, kalabyada ama vending machine-yada.

Qiimaha cinjrada ayaa qiimahooda u dhaxeya 0.20 iyo 0.90 €. Kondhomada gaarka ah, tusaale ahaa oo leh ur gaar ah ama dhinacyo waa qaali. Magan galya doonku waxay ku heli karaa kondhomada bilaasha xaga xarunta caafimaadka ee xarunta magan galyadoonkooda.