U turjun:

Falcelin jidhka muddada galmada

Inta lagu jiro galmada raga iyo dumarka waxay marayaan wajigo kala duwan oo kacsi ah. Wejiyadu isugu mid maaha qof kasta oo way kala duwanaan karaan wakhti kasta.

  • rabitaanka’
  • kicida
  • hamada
  • hoos u degida

Garaafka wuxuu tusinaya wajiyo kala duwan ee jirka qooqan. 1. rabitaan, 2. qooq, 3. kacsi, 4. deganaan

Rabitaanka

Marka hore waxaad dareemeysa rabitaanka kacsiga. Waxaad dareentaa inaad galmoonayso.

Kicinta galmada

Haddii jidhkaagu kaco, ka dibna xiisaa ku qabanaya:

  • guska ayaa gacaya, wuu weynaya kor ayuu ku kacaya, tani waxaa la dhahaha kacsi (raga);
  • siilka ayaa qoyaya (haweenka);
  • faruuraha iyo kintirka ayaa bararaya (haweenka);
  • Ibta ayaa aad kaacanaysa;
  • wadnahu xoog ayuu ugaraacaa.

Markaad aadu kacdo, kicista jidhkaaga ayaa korodha.

Kicitaanka galmadu waxa uu ku xidhanyahay waxa ku dhaca jidhkaaga, laakiin sidoo kale waxa aad dareento oo ka fekerto. Waxaad sidoo kale u yeelaneysa dareen jilcan dhanka lamanahaaga ama waxaad madaxaaga soo galaya galmo.

Hamada

Hamadu waxa weeye sii daynta tamarta galmda jidhkaaga:

  • muruqyada sagxada misigta way isku soo ururtaa;
  • Inta badan raga way biyo baxaan marka ay kacsadaan. Shahwo ayaa ka soo baxaysa ama ka soo daadanaysa guska.
  • Qaar ka mid ah haweenka waxay yeelanayaan dhacaan oar oo ka soo baxa siilka, oo la mid ah biyo bax.

Raga iyo haweenka inta badan ma leh hamada sare oo farxadeed .

Hoos u degida

Hamada galmada ka dib, kicitaanku wuu iska tagaa oo jidhkaagu hoos ayuu udegaa.