Daryeelka hooyada ummulida ka dib
- Baaritaanada kaalmada dhalmada ayaa si joogto ah u cabiraya xajmiga wadnaha, heerkulka, dhiigabaxa, iyo dhiriirka minka.
- Afka dhuunta ilma galeenku waxay u yaraataa si aayar ah. Soo ururka muruqa makaanu waxa uu noqon karaa mid aan raaxo lahayn.
- Haddii aad jeceshahay tolitaanka, tani waxay noqon kartaa mid aan raaxo lahayn marka aad fadhiisato. Ku maydh biyo siilkaaga maalin kasta si aad u nadiifiso oo aad u yarayso xanuunka.
- Hel nashasho kugu filan.
- Waaxad dhiiga baxaysa ilaa 6 toddobaad dhalmada kadib. Dhiiga u horeeyaa waa casaan. Ka dib waxya noqotaa midan bunni ah. Ka dib, waxay noqon kartaa jaalle ama caddaan. Qadarka dhiigu wuu sii yaraadaa Joogto u beddel shukumaanada xafaada.
Ilaa 6 todobaad ka dib ummulida, muddada dhiigaaga caadadu way soo noqotaa. Haddii aad naas nuujiso ilmagaaga, waxay qaadan kartaa wakhti dheer.
Xiliga uruurka, murqaha lafta misigta haweenka ayaa kala baxda. Ummulida ka dib, muruqyadan waxay u baahanyihiin jimicsi si ay u bogsadaan. Waydii ummulisadaada ama dhakhtarka haweenka wixii talo ah. Waxaa laguu gudbin karaa daaweeyaha jidhka ee misigta.