Galmada muddada uurka
Waxaan sameeyn kartaa galmo marka aad uur leedahay.
Haweenka qaar ayaa waay doonayaan inay sameeyaan galmo badan marka ay uurka leeyihiin, kuwa kale waxay doonayaan wax ka yar:
- Dhowr bilood ee hore ee uurka, haween badan xiiso yar ayay u qabaan galmada, waxay dareemaan yalaalugo, daal iyo naaso xanuun badan. Lamaane badan ayaa sidoo kale walaacsan mustaqablka waxayna dareemayaan walac inta lagu jiro xiligan.
- Si kastaba ahaate, siilka, kintirka, iyo ibta ayaa xasaasiyad badan. Haweenka qaarkood waxay dareemaan sidii oo ay galmo badan samaynayaan.
- Haweenka qaarkood, muddada galmada uurku aad ayay u xanuun badan tahay.
Raga qaar waxay u arkaan dhibaato inay galmo la sameeyaan lamanaahooda uur iyadda oo cabsanaya iyada iyo ilmaheeda.
Waxyeelo kuma aha uur jiifka.
Galmadu khatar kuma aha uur jiifka. Minka wuxuu ilaalinaya ilmaha. Gelitaanka minka (ilmo galeenka) wuu xiran yahay. Shahwada ma gali karto minka.
Tani khatar maaha ilma qubasho ah, laakiin galma ha samayn haddii ummulisadaada ama dhakhtarkaaga haweenku kugula taliyo inaadan samayn.
Galmada waxay ka badan tahay gelinta. Waxaa jira noocyo kala duwan oo galmo ah. Sidoo kale waad siiigaysan kartaa, salaaxi kartaa, daliigi kartaa, kalkoolin karta ama waxaad la sameeyn kartaa galmada afka lamaanahaaga.
Haweenay uur leh oo taagan. Xoog saaridu waa xubnaha taranka gudaha oo leh uur jiifka ku jira gudaha makaanka.
Faahfaahinta xubinta taranka ku jirta haweenay uurleh. Uur jiiftu waxay ku jirtaa makaanka. Gus ayaa gelaya siilka oo ma gaadhi karo uur jiifta.
Meela kala duwan
Waxaad isku deyi kartaa meelo kala duwan oo ka raaxo badan oo ka xanuun yar
Tusaale ahaan 1 galmada xiliga uurka: Naag uur leh oo kor fadhis nin.
Tusaale ahaan 2 galmada xiliga uurka: Nin iyo naag uur oo isdhinac jiika, ninka wuxuu dambeeya naagta.
Tusaale ahaan 3 galmada xiliga uurka: Naag uur leh oo ku fadhisa gacmahaeeda iyo jilbaheeda. Ninku waxa uu ku fadhiistaa jilbahiisa isagoo iyadda ka dambeeya.
Iska ilaalinta STIyada
Naftaada uga ilaali STIs cinjirka. Waxaad qaadsiin kartaa uurjiifkaaga STI. Tani waxay caqabad ku noqon kartaa ilmaha.
Kondhomka