Copper IUD
Cooper IUD waa qaab looga hortaggayo uurka.
Copper IUD waa tuumbo caaga ah oo u samaysan qaabka T.
Waxay uurka uga hortagga 2 siyaabood:
- Maarta waxay ka joojineysa unugyada shahwada inay ka soo dhaqaqaan waxayna ka hortagayaan bacriminta.
- Cooper wuxuu ka hortaggya unuga ukunta inay beeranto.

Copper IUD
Sidee copper IUD u shaqaysaa?
Dhakhtarka guud, umulisda ama dhakhtarka haweenka ayaa gelinaya minka cooper IUD 12 maalmood ee ugu horeysa ee cadadeeda. Waxay noqon kartaa mid xanuun badan, markaas waxaa lagu siin kara xanuun baabiiye.
Cooper IUD waxay shaqeyneysa 5 ilaa 10 sano. Wakhtigaa ka dib waxay u buuhantahay in la beddelo.
Marka IUD la geliyo, 1 ama 2 dun oo gaaban ayaa looga tagayaa banaanka ee ilmo galeenka. Waxay ku jiraan gdahaha siilka, halkaas oo aad ka dareemi karto. Tan macnaheedu waxa weeya waxaad had iyo jeer hubisaa in IUD weli ay meesha ku jirto.

Faahfaahinta miskaha naagta: 1. cooper IUD, 2. minka, 3. siilka, 4. dabadda and 5. kaadi mareenka.
Haweenay taagan Yoolku waa uu saaranyahay xubinta galmada dibada ah.
Copper IUD waxaa la geliyaa gudaha ilma galeenka. 1 ama 2 dun oo gaban ayaa looga tagaya banaanka dibadda. Hoos ayay siilka ugu jiraan.
Si xad dhaaf ah la isuguma halayn karo
Copper IUD aad ayaa loogu kalsoon yahay.
Si xad dhaaf ah la isuguma halayn karo
Ma jirto waxyeelo caafimaadkaaga ah
Copper IUD ma ku jirto hormoono.
Cooper IUD ma ka dhigayo inay dhalmadaada yaraato. Haddii aad doonayso inaad uuraysato, IUD ayaa lagaa saarayaa.
Caadadaada waxay noqon kartaa mid wax yar culays leh oo xanuun badan.
Ma jirto ka hortagta STI iyo HIV.
Copper IUD kaama ilaaliso adiga STI ama HIV. Kondhomka oo kaliya ayaa ku ilaalin kara.
Kondhomka
Qiimaha copper IUD
Dhakhtar ama ummuliso ayaa gelin kara copper IUD laga bilaabo€47 ilaa € 120. Waxay ku xiran tahay nooca, waa inaad dib ugu noqota dhakhtarka, dhakhtarka haweenka, ama umulisda kadib 5 ilaa 10 sano copper IUD cusub.
Ilaa da’da 21, badanka qaababka ka hortagga uurka waxaa magdhaba caymiskaaga caafimaadka. SI kastaba ha ahaatee, marka koowaad waa inaad bixisaa inta dheeraadka ah (eigen risico) ee xeerka caymiskaaga caafimaadka. Ka hubi adeeg bixiyaha caymiskaaga caafimaadka si aad u ogaato inta ay leegtahay magdhowgu. Laga bilaabo da’da 21, ka hortaga uurka keliya ayaa la magdhabaa haddii aad soo saarto caymis dheeraad ah oo ka hortagga uurka ah.
Waa maxay qiimaheedu?