U turjun:

Kondhomka

Kondhomka waa qaab looga hortaggayo uurka. Cinjirku waa goome yar oo kala jiidmaya kaas oo la geliyo guska. Wuxuu ururiya shahwada marka ninka uu biyo baxo.

Kondhomada waxaa la heli karaa iyagoo cabbiro kala duwan ah, iyaddoo ku xidhan adayga guska. Kondhomku waa inaanu aad u giijisnaan ama aad u debecsanaan

Kondhomka

Sida loo gashado kondhomka

Gasho cinjirka ka hor gelinta. U samee qaabka soo socda:

  • Hubi in taariikhda dhicida aanay weli dhaafin. Keliya isticmaal kondhomada summada tayada CE wata ee ku duubantahay.
  • Ka jeex kiishka ka fur daloolka. Haku jarin maqas, mindi ama ilkaha oo ka feegignow cidiyaha dhaadheer. Kondhomku wuu jeeximi karaa.
  • Yuub dib u jiid haddii aan guska la gudnin. Marooji caarada kondhomka si aad meel ugu banayso shahwada oo geli kondhomka guudka guska. Guska waa inuu kacsan yahay (taagan yahay).
  • Hubi in qarqarka la duubay ee komdhomku uu dibada yahay. Hoos ugu laab guudka guska oo dhan markaas ma siibanayso.
  • Ka saar kondhomka guska ka dib biyo baxa. Tan samee marka gusku adagyahay.
  • Qaba kondhomka girgirka oo hubso inaanay shahwadu daada.
  • Ku xidh kondhomka guntin. Taasi waxay ka hortagtaa inay daadato. Ku tuur kondhomka la isticmaalay daasada qashinka.

Hubi in taariikhda dhicida aanay weli dhaafin. Keliya isticmaal kondhomada summada tayada CE wata ee ku duubantahay.

Ka jeex kiishka ka fur daloolka.

Marooji caarada kondhomka si aad meel ugu banayso shahwada oo geli kondhomka guudka guska.

Hubi in qarqarka la duubay ee komdhomku uu dibada yahay. Hoos ugu laab kondhomka guudka guska oo dhan markaas ma siibanayso muddada galmada.

Kondhomku waxa uu u diyaar yahay isticmaal.

Ka saar guska biyo baxa ka dib. Samee taas weli marka gusku adag yahay oo qaba kondhomka girgirka.

Ka saar kondhomka. Qaba kondhomka girgirka oo hubso inaanay shahwadu daada.

Ku xidh kondhomka guntin. Taasi waxay ka hortagtaa inay daadato. Ku tuur kondhomka la isticmaalay daasada qashinka.

Isticmaalka kondhomka hal mar.

Ha isticmaalin 2 kondhom isku wakhti. Kondhomku wuu jeeximi karaa.

U isticmaal saliida-ku saleysan biyaha cinjirka.

Aad la isuguma halayn karo marka si khaldan loo isticmaalo

Marka kondhomka si sax ah loo istcimaalo, waa qaab aad la isugu halayn kara oo ka hortagga galmada ah, Si kastaba ha ahaatee, kondhomka inta badan looma isticmaalo qaabka hore loo sharaxay. Xaaladaas, kondhomku aad la isuguma halayn karo. 

Aan aad la isugu halayn karin.

Ka hortagga HIV iyo STI

Cinjirka sidoo kale wuxuu ka difaacaya HIV wuxuu yareyna khatarta kale ee STI.

Cinjirak iyo cinjirka dheddiga waa qaabka kaliya ka hortagga karaa hiv oo yareyn karaa inaad qaado caabuqada galmada la iskugu gudbiyo.

Wada jir masuul uu ah.

Labada lamaane waxay masuul ka yihiin isticmaalista cinjirka. Kala hadal iyadda lamaanahaaga

Labba jiifa sariir oo ka wada hadlaya ka hortagga uurka.

Iibsiga kondhomyada

Waxaad sidoo kale iibsan karta cinjirka iyadda oo aan laga qorin farmashiye, daawo yaqaan ama suuqweyne. Wakhtiyada qaarkood waxaad sidoo kale ka heli karaa baararka, naadiyada habeenka ama mishiinada iibka alaabta. Waxaad sidoo kale ka iibsan kartaa internadka.

Qiimaha kondhomka uu kala duwan yahay oo u dhexeeyaa 0,20 iyo 0,90 Euro. Kondhomada gaarka ah, tusaale ahaan oo leh ur gaar ah ama dhinacyo waa qaali.

Magangalya doonka ku jira xarumaha magangalya doonka waxay ka heli karaan xaga xarunta caafimaadka.

STI Aids Netherlands waxay samaysay warsida ku qoran luqaddo kala duwan oo wata macluumaad ku saabsan kondhomyada iyo STIyada. Warsidayaasha waxaa laga soo dejisan karaa websaydkooda.

 

Waa maxay qiimaheedu?