U turjun:

Mudditaanka xakamaynta uurka

Cirbada ka hortagaysa uurka waa qaabka ka hortagga.

Irbadaha mudditaanka ka hortagga uurka waxa uu ka koobanyahay 1 hormoon. Hormoonkan wuxuu ka hortaggaya ugxnaanta. Waxay sidoo kale ka dhigta in unugyada shahwada ay aad ugu adkaato inay gasho minka waxayna ka hortagaysa in unugta ukunta beeranto.

Mudditaanka xakamaynta uurka

Sidee irbadaha mudditaanka ka hortagga uurku u shaqaysaa?

Mudditaanku waxa uu shaqeeyaa ilaa 3 bilood. Waxaa loo isticmaalaa qaabka soo socda:

  • Inta lagu jiro 5 maalmood ee ugu horeysa cadaada, dhakhtarkaaga, dhakhtarka haweenka waa inay ka siiyan cirbada garabkaaga ama siinta.
  • Kadib waa inaad u tagta dhakhtarka qoyska/adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka 3 biloow walba (12 toddobaad) cirbada cusub.

Dhakhtar ka bixinaya irbadaha mudditaanka ka hortagga uurka badhida haweenayda ama gacanta sare.

La isku halayn karo.

Irbadaha mudditaanka ka horgaga uurka waa la isku halayn karaa haddii aad qaadato mudditaan cusub 3 bilood oo kasta. 

La isku halayn karo.

Ma jirto waxyeelo caafimaadkaaga ah

Irbadaha mudditaanka ka hortagga uurka waxa uu ka koobanyahay 1 hormoon. Hormonkan caadiyaan ma waxyeelaynayso caafimaadkaaga. Si kastaba ha ahaadee, xaaladaha qaarkood way wanaagsantahay in la doorto qaab ka duwan oo ka hortaga uurka. Waydii dhakhtar talo. 

Cirbadda ma dhigayso in yaraato dhalmadaada. Haddii aad doonayso inaad uurayso, jooji qaadasha irbadaha . Si kastaba, waxay ka dhigi kartaa, inaad dhowr bilood ama ilaa sanad, si ay cadaada ugu soo noqoto caadi.

Cirbadda ka hortagga uurka waxay sababay waxyeelo sida madax xauun, caado wareer naasha oo jilca. La tasho dhakhtarka haddii saamaynta aan wanaagsanayn ay daran yihiin.

Cadaada waxay noqon inta way jilicsan tahay inta badan way isla istaagaysa.

Ma jirto ka hortagta STI iyo HIV.

Irbadaha mudditaanka hortagga uurka kaama ilaaliso adiga STI ama HIV. Keliya kondhomka ayaa ku ilaalin kara.

Kondhomka

Iibsashada irbadaha mudditaanka ka hortagga uurka.

Irbadaha mudditaanka ka hortagga uurka kharashkoodu waa ilaa €15 mudditaankiiba. Tani waxa ka mid ah ;cirbada inuu ku duro dhakhtarka/adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka 3 bilood oo kasta waxaad ubaahantahay inaad u tagto dhakhtarkaaga ama adeeg bixiyaha daryeelka caafimaad wixii ah mudditaanka cusub.

Waa maxay qiimaheedu?

Ilaa da’da 21, badanka qaababka ka hortagga uurka waxaa magdhaba caymiskaaga caafimaadka. SI kastaba ha ahaatee, marka koowaad waa inaad bixisaa inta dheeraadka ah (eigen risico) ee xeerka caymiskaaga caafimaadka. Ka hubi adeeg bixiyaha caymiskaaga caafimaadka si aad u ogaato inta ay leegtahay magdhowgu. Laga bilaabo da’da 21, ka hortaga uurka keliya ayaa la magdhabaa haddii aad soo saarto caymis dheeraad ah oo ka hortagga uurka ah.