U turjun:

Ilma iska soo ridka

Ilmo iska soo ridida waa qaliin caafimaad kaas oo dhakhtarka sameeynayo si u soo rido uurkaaga.

Ilma soo ridka waxa keliya ay dhici kartaa hoosta shuruuda gaar ah. Ka hor inta aad uurka isaga soo ridin, waxaad la tashan kartaa dhakhtarka guud ama dhakhtarka kale si uu kaga taageero go’aan inaad gaarto. 

La tashiga kaa caawinaya inaad go’aan gaadho.

Dhakhtarku wax auu kaala hadlaa adiga wax ku saabsan xaaladaada, doorashooyinka ka duwan ee aad u leedahay uurkaaga iyo qaababka kala duwan ee ka hortagga uurka

Waxaad haysataa xaqa aad go’aan ku gaadho naftaadu haddii ad joojiso ama aad sii wado uurka. Dhakhtarka wuxuu kuu sheegaya dhammaan dookhyada surtogalka ah si aad u gaarto go’aankaaga. 

Naagtada ayaa ilmo iska soo ridi kartaa iyadda oo aan fasax ka qaadanin ninkeeda. Haweenka da’doodu tahay 16 iyo ka wayn waxaa loo oggolyahay inay go’aan ka gaadhaan nafahooda haddii ay doonayaan ilma soo ridka. Haweenka ka yar 16 waxay u baahanyihiin oggolaanshaha waalidka ama masuulka. Haddii tani aanay suuragl ahayn, u tag dhakhtarkaaga guud ama si toos ah rugta caafimaadka ilma soo ridka. Oggolaanshaha waalidka inta badan looma baahan xaaladaas. 

Qaababka ilma soo ridka

Ilaa 13 toddobaad oo uur ah, waxaa jiro 2 qaab loogu qaban karo ilmo iska soo ridista.

  1. Kaniinka ilmo soo ridida:
    Ilaa 9 toddobaad oo uur ah a(waxaa laga soo tiriya maalinta ugu dambeysay ee caadada):

    Waa inaad ku qaadata 1 kniin rugta caafimaadka ama xafiiska dhakhtarka qoyska ama kadib marka guriga tagto. 1 ama 2 maalmood kadib qaado kaniiniyaal badan. Kaniinka ilmo iska soo ridida waxay sababta dilan. unugta ukunta ee bacriman ayaa ka soo bixi doontaa siilka oo dhiig iyo dhiig xinjiro ah wadata. Waxaad yeelaan doonta calool majiir badan. Inta xanuun aad yeelaan doonto waxay ka duwan tahay qofka kale. Tirada dhiiig ee baxdo way kala duwan tahay. Inta badan tirada haweenka sida qulqulka caado culus.
    Waxaa lagu sheegi doona inaad qadato xanuun baabi’yaal aad isticmaali karto. Waxyeelada surtagalka ah waa lalabo, qarqaryo, qandho iyo shuban. Way fiicnaan kartaa inuu kula socdo qof ku taageera adiga. Isku celcelis aaan dhiiga kaa baxay wuxuun qaadan doonaa 2 ilaa 3 toddobaad, laakiin ka yareyn doontaa ama yareyn doona.  
     

  2. Qalabka ilmaha lagu soo xaaqo (mararka qaar waxaa loo yaqaana qalabka ilmaha lagu soo rido):
    Ilaa 13 toddobaad oo uur ah a(waxaa laga soo tiriya maalinta ugu dambeysay ee caadada):

    Dhakhtarka ayaa kabaabyo ku siin doona ka hor bilaabida. Minka waxaa kaababyeynaya cirbadaha. Tani waxay ku siini kartaa xanuun darran oo gaaban. Dhakhtarka wuxuu isticmaali doonaa tuyuub uu dhuuban uu ku nafiidiyo minka isaga oo marinaya siilka. Waxaa yeelaan kartaa calool majiir inta ay tani sameeynayaan, kaas oo loo barbardhigi karo xanuunka caadada. Rugaha caafimaadka qaar waxay sidoo kale ku siin karaan kaabab yo marka aad hurdeysa inta lagu jiro qaliinka waxbana ma dareemeysid.
    Qaliinka caadiyan wuxuu qaataa ilaa 10 saac. Qaliinka kadib waxaa lagu talinaya inaad joogto xaruunta qaliinka ilaa aad ka soo kabanayso. Haddii aad kababyo dabaqid, ma laguu oggolaan doono inaad gaari u dawo guriga. Waxaa qaadan doontaa qalalkiyaal si looga hortago caabuqa waxaa lagula talinaya wax ku saabsan daawada xanuuna. 
    Waxaad yeelan kartaa calool ma jiirto dhowr maalmood dheeri ah. Waxaa lagu sheegi doona wax ku saabsan xanuunka haddii aad isticmaali karto. Inta badan waad dhiig bixi doonaa, la mid ah cadaada joogtada. Inta badan dhiig baxa ma joogsanaayo labo toddobaad.

Laga bilaabo 13 toddobaad iyo wixii kambeya(waxaa laga soo tiriya maalinta ugu dambeysay ee caadada):

Waxaa jira qaabab badan oo ilma soo ridka ah ka dib 13 todobaad. Qaliinkan ka dib caadi ahaan waxaad joogtaa rugta caafimaad wakhti dheer si aad u nasato. Ilma soo ridka ka dib 13 todobaad lagama heli karo dhammaan rugaha caafimaadka. 

Xalka degdega ah

Ka dib ilma soo ridka, waxaad kartaa weli inaad uur yeelato.

Ilma iska soo ridka ma ahan qaabka ka hortagga uurka. Waa xalka xaaladda degdeg ah.