U turjun:

Astaamaha uurka

Jidhka

Xiliga uurk waxaa isbeddel badan ku imaanaya jirkaaga. Waxaad la kullanataa isbeddelada soo socda:

Waxaa dhici karta sidoo kale inaad yeelato mid ama wax ka badan oo raaxo darrada soo socota ah. Tani waa caadi. Haddii aad qabto wax su’aal ah oo ku saabsan umulisadaada ama dhakhtarkaaga haweenka. 

  • yalaalugo;
  • daalka;
  • calool fahdi (ma awooddo inuu saxaroodo);
  • barar ama naaso xanuun;
  • u baahan tegida muqusha inta badan;
  • cirid cuncun.

Ka dib uurka, waxaad yeelan kartaa noocyo kale oo raaxo darro ah:

  • calaamado kala baxsan (nabaro liidad ah) oo ku yaala calooshaada;
  • xanuun/lugo barar iyo cirbaha;
  • dhabar xanuun.

Caadifado

Caadifadaada iyo dareenada waxay isku beddelaan si degdeg ah. Tusaale ahaan: waxaad dareemi kartaa farxad hal daqiiqo iyo ka dib murugo ama walbahaar.

Yalaalugo

Yalaalugadu badanka waxay dhacdaa muddada 3 bilood ee uurka u horeeya.

  • Cun quraac fudud;
  • Cun dhowr qaybood oo yar oo cunto ah muddada maalinta;
  • Cab biyo kugu filan muddada maalinta;
  • La xidhiidh ummulisadaada ama dhakhtarka haweenka haddii aad matagto ama aad leedahay kaadi yar oo keliya.

Waxay sidoo kale caawin kartaa:

  • Cun shay fudud ka hor inta aanad sariirta ka degin iyo ka hor sariirta;
  • Cab caano yar ama shaaha sinjibiisha.

Daalka

Daalku waxa uu dhacaa gaar ahaan bilowga uurka.

  • Wax badan naso;
  • Aad umulisada ama dhakhtarka haweenka si aad u baarto in dhiigaaga leeyahay bir ku filan.

Dhammaadka uurka waxaad la kulmi kartaa dareenka walabahaarka iyo hurdo la’aan. Tani waxaa sababi karaa dhaqdhaqaaqa ilmaha, murqo xanun iyo kaadi badan, taas oo sido kale sababaysa dadaal.

Calool istaag

Muruqyada xidmaha aad ayay u debecsanyihiin oo waxay u shaqeeyaan si aayar ah muddada uurka. Tani waxay sababi kartaa calool istaag.

  • Biyo badan cab (1,5 ilaa 2 litir maalintii)
  • Cab sharaab khudaar daray ah
  • Cun cunto badan oo leh macdan (sida rooti qamadi ah);
  • Firfircoonow (jimicsi ilaa ugu yaraan 30 daqiiqadood maalin kasta). 

cirid cuncun

Isbeddeladada hormonka xiliga urka ayaa kordhin qulqulka dhiiga ee ciridka. Ciridkaagu waxa uu noqon karaa mid xaasaasi ah, cuncun leh oo bararay, oo waxa uu bilaabaa inuu dhiigo. 

  • Cadayo ilkahaaga 2 wakhti maalintii;
  • Isticmaal findhicilo maalin kasta; 
  • U tag dhakhtarka ilkaha haddii ciridkaagu sii dhiigo. 

Calaamadaha kala baxa

Calaamadaha kala baxa waa basali ama layman bunni ah oo ku yaal maqaarka caloosha, naasaha ama sinaha. Waxaa sababa kala baxa maqaarkaaga. Calaamadaha kala baxa waxay qarsoomaan uurka ka dib, laakiin way sii yara muuqdaan.

Waxaad marin kartaa kiriimka biyaha nuuga ama saliida calooshaada si aad u daryeesho maqaarkaaga.

xanuun/lugo barar iyo cirbaha

Badanka haweenka uurka leh waxay dhib ka soo gaadhaa lugaha bararsan iyo cagaha, muhiim ahaan marka dhammaadka uurka. Lugo bararka iyo cirbadaha waxaa sababaya caadaadiska xidida minka waaxana kordhaya qadarka dhiiga ee jirka.

Sare u qaad lugahaaga sare marka aad fadhido ama cab biyo kugu filan.

Dhabar xanuun

Dhabar xanuunka muhiim ahaan waxaa sababa miisaanka makaanka iyo isbeddelada hormoonada.

  • U fadhiiso si toos ah;
  • Qalooci jilibkaaga marka aad qaadayso waxyaabaha culus;
  • Ha xidhan kabbaha cidhbaha dheer;
  • Samee jimicsi fudud, tusaale ahaa: socodka, dabaasha ama baaskiil kaxaysiga.

Ummulid aka dib

Ka dib ummulida, jidhkaagu waa uu ka duwanaada sida ay ahayd ka hor uurka. Tusaale ahaan: miisaankaaga iyo qaabka calooshaada iyo naasaha waxay ka duwanaan karaa sidii hore.