Ku uuraysiga da’da yar
Aad u rimi kara
Naagta ayaa aad u qaadaysa uurka marka ay yar tahay waxayna leedahay ugxnaanta marka hore (caadada koowaad). Kadib ugxnaanteeda koowaad, naagta aad ayay uurka u qaadaysa 6 maalmood ee ugu horeysa bil walba.
Xita marka naagtu galmad marka ugu horeysa waxay noqon kartaa uurka.
Khataro badan oo hooyada iyo ilmaha
Haddii ay naagtu uur u tahay oo ay jirto 20 sano, waxay khatar ugu jirtaa dhibaatooyinka sare ee dhalmada.
Ilmahu waxa uu khatar ugeli karaa:
- Dhalasho wakhtigeedii ka soo hormarta;
- Miisaanka hoose ee dhalshada (khatar sare oo jirrada ah).
Noloshu way isbeddeshaa marka ilma la dhalayo
Haddii aad weli yar tahay oo aad ka fekerayso dhalista ilma, ogsoonow in:
- Aad wakhti yar u haysan doonto dugsiga, shaqada iyo balwadaha;
- Haysashada ilmahu aad ayay qaali u tahay.
- Xiriirada aad leedahay lamanahaaga, waalidiintadaa iyo asaxaabta ayaa isbeddeli doonta. Ilmahaagaa soo hormara.
- Waxaad u baahantahay inaad raadiso meel kale oo aad ku noolaato.
Ka hortagga uurka
Adiga iyo lamaanahaagu waxaad go’aan ku gaadhi kartaa inta ay tahay carruurta aad doonaysaan, iyo goorta. Tani waxaa loogu yeera qorshaynta qoyska. Waxaad tan ku samayn kartaa isticmaalka ka hortagga uurka.
Uur aan lagu talo galin
Haddii aad uur leedahay laakiin aanad qorshayn inaad yeelato, waxaad haysataa doorashooyin ka duwan. Waxay waydiin kartaa waalidkaaga, qoyska iyo saaxiibada caawimo. Ha ka xishoonin. Way ku dhici kartaa qof katsa. Waxaad sidoo kale waydiisan kartaa caawimo xirfad yaqaan iyo talo.