Maalmaha bacrinka haweenayda
Waxaad uur ku qaadi kartaa ilaa 6 maalmood bil walba: ilaa 5 maalmood ka hor inta ay ugxananta ay dhacin iyo 1 maalin kadib. Si loo ogaado marka aad uuraysan karto, waxaad u baahantahay inaad ogaato marka aad yeelan karto ugxan siidayntaada xigta. Tani way adkaan kartaa in la saadaaliyo.
Sida loo xisaabiyo maalmaha ugxan siidaynta.
Waxaad isku deyi kartaa inaad xisaabiso maalinta ugxan siidaynta haddii wareegaagu dhamaado tiro maalmo ah oo isku mid ah bil kasta. Ugxanaanta waxay ku dhacda 14 maalmood ka hor dhiiga caadada (bilowga wareega cusub).
Tusaalaha 1 - wareega caadiga ah ee 28 maalmood: ugxan siidayntu waxay dhici doontaa ilaa 14 maalmood wareegaaga. Waxaad uursan kartaa shan maalmood ka hor ugxan siidaynta iyo 1 maalin ka dib.
Tusaalaha 2 - wareega caadiga ah ee 23 maalmood: ugxan siidayntu waxay dhici doontaa ilaa 9 maalmood wareegaaga. Waxaad uursan kartaa shan maalmood ka hor ugxan siidaynta iyo 1 maalin ka dib.
Tusaalaha 3 - wareega caadiga ah ee 34 maalmood: ugxan siidayntu waxay dhici doontaa ilaa 20 maalmood wareegaaga. Waxaad uursan kartaa shan maalmood ka hor ugxan siidaynta iyo 1 maalin ka dib.
Waxaad uur qaadi kartaa shan maalmood ka hor ugxaanta iyo hal maalin kadib marka loogu galmoodo. Ugxaanta way adkaan kartaa in la saadaaliyo.
Astaamaha ugxan sii daynta
Haddii wareegaagu kala duwanyahay inta uu bisha gaadho, ma saadaalin kartid marka aad yeelan doonto ugxan siidayntaada xigta. Ka taxadr astaamaha jirkaaa ee ka soo muuqanaya xiliga ugxanaanta:
- Waxaad ka soo baxaya dhacaan badan siilka. Dheecaanka waxa uu u yar eegayahay sida ukun cad oo waa yar adag yahay.
- Heerkulka jidhku sare ayuu u kacaa;
- Ilmo galeenka ayaa kacayo aad ayay u adagtahay in laga dareemo siilka. Way yar balaadhatay oo waxaa la dareemaa inay sii jilcayso.
Haweenka qaarkood waxay yeeshaan in yar oo calool xanuun ah (xanuunka caloosha) muddada ugxan siidaynta.
Ka hortagga uurka
Haddii aanad rabin inaad hadda dhasho carruur, isticmaal kaniiniga ilmaha kala fogeeya.