Dagaalka lamaanaha
Dagaalka lamanaha waa nooc walba oo dagaal oo u dhaxeya 2 qof oo dhaxeyo dareen iyo/ama xiriir galmo. Dagaalka lamanaha inta waxay muujineysa inaysan sinaan u dhaxeysa lamaanayaasha.
Dagaalka lamaanaha waxaa mamnuucay sharciga.
Dagaalka lamaanaha waxa uu ka dhex dhecaan dhammaan dabaqadaha iyo dhaqanada bulshadda.
Noocyada dagaalka lamaanaha
Waxaa jira afar nooc oo dagaalka lamaanaha ah:
- dagaalka nafsiga ah, tusaale ahaan, cayda, yasida, khataraha ama iska dhega marinta lamaanaha;
- dagaalka jidhka ah, tusaale ahaan, wax ku dhufashada, dhirbaaxida, ula dhaqanka si adag, ku khasbida lamaanaha inuu sameeyo ama guto falal waxyeelo leh (sida qubaysasho aad u kulul);
- dagaalka galmada, tusaale ahaan: ku qabsida lamaanaha inuu galmo kula sameeyo (kufsi) ama inaad ku qasabto inay daawadaan dhaqan xumada ah;
- dagaalka dhaqaalaha, tusaale ahaan, go’aaminta waxaa aad rabto inaad ku sameeyso lacagtaada ama lacagta lamanahaaga iyaga oo rabin, bixinta lacag aan ku filnayn qoyska, diidista badeecadaha lagama marmaanka ah.
Xalilida dagaalka lamaanaha
Haddii falanqayntu ku hanjabto inay noqonayso dagaal, tag meel amaan ah, xataa muddo gaaban. Markaad badbaado tahay, waxaad ka fekeri kartaa waxa aad u baahantahay iyo waxa aad qaban karto.
Way adagtahay inaad iskaa u xaliso dagaalka lamaanaha. Dagaalka lamaanaha waxa dhici karta inuu dhaca wax ka badan hal mar. La xiriri adeegyada shaqaalaha, sida dhakhtarkaaga guud, booliska ama hoyiga wixii ah xaaladdaha dhibaatooyinka. Haddii aad doonayso, waxaad waydiin kartaa qof aad ku kalsoontahay inuu ku raaco. Waxaad sidoo kale wici kartaa khadka loogu talo galay dagaalka lamaanaha.
Xirfad yaqaanada ayaa ku dhegaysan doona iyagoon ku qiimayn. Waxay tixgelin doonaan gaar ahaanshahaaga.
Haddii aad doonayso inaad soo af jarto dagaalka, waa inaadan lama huraan ahaan soo af jarin xidhiidhka ama ka tegin lamaanahaaga. Go’aan kasta oo aad gaadho, had iyo jeer ka feker iskaa (iyo carruurtaada) badbaadada iyo fayo qabka.
Haddii aad dareento dembiilenimo, qajilaad, ama inaadan isku kalsoonayn, naftaada ha dhaleecayn. Dareenada waa u caadi natiijada dagaalka lamaanaha.
Haddii aad dembiile tahay, waxaad caawimo ka heli kartaa si aad u joojiso adiga inaad ku celiso dagaalka lamaanaha mustaqbalka. Waydiiso caawimada xirfad yaqaanka.