Ilaalinta iyo xadadka tixgelinta
Xuduudahaaga waxay kuu sheegayaan waxaa la aqbali xiriirka aad ku jirto ama qofka la xiriireyso ee ka baxsan xiriirka. Qof ka soo gudbo xadadkaaga maaha wax ixtiraam leh. Daacadnimadaadii waa la dhaawici karaa.
Xaalada waxauu noqon karaa wax ku saabsan arrimo kala duwan oo xidhiidhka ah. Tusaale ahaan:
- waa lagu aflagadeeyey;
- ma doonaysid inaad samayso galmo(weli);
- ma jeclin nooc galmo ah;
- waayo araganimadaada rabashada.
Xuduudaha qofka laga gudbaya marka aad ku aacin waxaa dhacaya qaabka ay u dhacaayaan.
Si loo tixgeliyo xadadka, labbada lamaane:
- waa inay aqbalaan waxa dhacaya
- waa inaanay isticmaali ama dareemin cadaadis;
- waa inay noqdaan lamaanayaal siman (mid waa inaanu ka awood badan ka kale).
Ninka iyo haweenaydu waxay labbaduba aqbalaan inay isku galmoodaan
Dhahida “maya” iyo dhahida “haa”
Haddii aad dareento in xadadkaaga laga soo gudbay, dheh “maya”. Lamaanahaaga waa inuu xushmeeya dookhaaga. La hadal lamaanahaaga ku saabsan waxa aad doonayso iyo sida aa dareento:
- Aad u caddow:
- Istaag ama si quman isku taag oo eeg indhaha lamaanahaaga.
- Sharax sababta aad u tidhi “maya”.
- Haddii ay lama huraantahay, ku celi fariintaada.
- Ha dareemin fal dambiyeed.
- Ha samayn ballamo aanad ilaalin karin.
- U cadee lamaanahaaga fahamka oggolaanshaha inay muhiim tahay.
Inan ku odhanaysa "maya" wiil.
Ku dheh “maya” way adagtahay, laakiin waa qaabka loola xidhiidho lamaanahaaga waxay yihiin xadadkaagu. Xadadkaagu waa inay u cadadaan lamaanahaaga. Haddii “maya” aanu lamaanahaagu aqbalin, hel caawimo xirfad yaqaan ama qof kala tasho adiga kuu dhow.
Waxaad ka baqan kartaa inaad waydo lamaanahaaga. Go’aanso in kuu fiican yahay lamaanahaaga inay kale, haddii ay sii wadaan inay kugu qasbaan wax aanad rabin.
Dhaqanka galmada ee xun
Marka uu qof kugu sameeyo wax galmo adiga taas oo aanad rabin, qofka wuxuu soo gudbaya xuduudahaaga. Tani waxaa ka mid noqon karta shuminta, taabashada, faalooyinka galmada, kufsi iyo sharmuuto. Tani waxaa lagu sameeyn karaa qasab ama hanjabaad (handaad), laakiin ma ahaan inay dhacdo. Xitaa haddii aad hurdeyso, ama aad cabayso, ama aad wado socoto qof ayaa kugu sameeyey wax galmo ah oo aanad rabin, taas oo dhaqanka xun ee galmada. Dhaqanka xun ee galmada ayaa la isku ciqaabi karaa, sida xadgudubka galmada iyo kufsiga, waxaa sidoo kale loogu yeera rabashada galmada.
Tixgelinta mid kasta xad kiisu waa muhiim. Xad gudubku waxa uu sababi karaa dhibaatooyinka nafsiga iyo caafimaadka ah, Si kastaba ahaate, dhaqanka xun ee galmada iyo noocyada kale ee rabashadaha lamaanaha waxaa diidaya sharciga.
Haddii aad rabto inaad u galmo lamanaaga uu rabin, waad ka wada hadli kartaan. Galmadu way ka badan tahay uu in la isku galmoodo. Qofka jir ahaan qofka kale ugu dhaw waxay sidoo kale muhiim ugu tahay fayo-qabkaaga iyo xiriirkaaga.
Dhaqanka xun ee galmada ayaa sidoo kale dhici karaa wax ka baxsan xiriirka, tusaale ahaan qaraabada, xiriirada, iyo lamaanyaashii hore, ama kuwa la garaynin.
Raadinaya caawimo
Haddii aad la kulanto dhaqan xad gudubka galmo ah ama dagaalka lamaanaha oo kale, raadi caawimo:
- La hadal qofka aad ku kalsoontahay.
- La hadal xirfad yaqaanka caafimaadka. Ha dareemin fal demiyeed ama khajilaad. Waxay ku dhacdaa dad badan.
La xidhiidh booliska haddii aad doonayso inaad ka warbixiso qof wixii ah dhaqanka xad gudubka galmada ama nooc kale oo dagaalka lamaanaha ah.