U turjun:

Doorashada lamaane

Sharciyan, dadka ku nool Yurup waxay si xor ah u doortaan lamanahooda.

Dadka ayaa doorta lamaane iyaga oo ku saleynaya shuruudo qaar, inta ma ka warqabaan qaabka ma loo isticmaalo shuruudahan. Dadka qaarkood way ogsoonyihiin iyaga oo keliya waxay doonayaan lammaan buuxiya qiimayntoodaas. Tusaale ahaan:

  • asalka;
  • shakshiyada;
  • caqli wanaaga;
  • maadaynta;
  • xaalada dhaqaale;
  • muuqaalka.

Haweenay ku dhegan lamaanaha ay dooratay

Labbadaba raga iyo haweenku waxay qaadan karaan qorshaha lagu bilaabayo xidhiidhka.

Wakhtiyada qaarkood waalidka ama xubnaha kale ee qoysku waxay doortaan qofka ilamahoodu uu guursan doono. Tan waxaa loogu yeedhaa guurka la qorsheeyay. Dhalinyarada ku lugta leha ayaa inta badan go’aansanaya haddii ay rabaan inay guursadan ama aysan guursanin, laakiin tani mar walba sidaas ma ahan. Guurka qasabaka ah waxaa mamnuuca sharciga.